Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in La Aasay Muwaadiniintii Lagu Xansuuqay Yemen

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in La Aasay Muwaadiniintii Lagu Xansuuqay Yemen

Qunsuliyadda Soomaaliya Magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa xaqiijisay in la aaso Meydadka 31 Qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo 17-kii Marso 2017 lagu Duqeeyay Doon ay la socdeen.

Qunsulka Soomaaliya ee Magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani oo  la hadlay SONNA ayaa sheegay dadaal dheer kadib in ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya u suurta gashay in la Aaso Meeydadka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu laayay Dalka Yemen, iyadoo Sidoo kalana Xabsiyada ay ka sii daayeen 115 qof oo isugu jira caruur, Haween iyo Rag oo ka badbaaday Duqeyntaasi, kuwaas oo qaarkood qaba dhaawacyo ka soo gaaray weerarkaasi.

Qunsulika Guud ee Dowladda Soomaaliya u fadhiaya Magaalada Cadan ayaa yiri “waxay ahayd arin aad u adag waayo halka dhibku ka dhacay waa degaan ay ka taliyaan Xuutiyiinta iyo Maleeshiyaadka daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax, mana jirin cid xaga dhaqaalaha naga kaalmaysay waxaan wax ku wadnay waxay ahayd  xiriir aan u lahayn madaxda degaamadaas, waxaana mahad mudan dhamaan intii nagala shaqaysay arinkaas xanuunka badn  oo ay ugu horreeyaan Madaxda Qaranka, Hay`adda ICRC iyo Madaxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Sanca.

Ugu dambeyntii Qunsulka Soomaaliya ee Magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan ayaa sheegay in Magaalada Sanca la geeyey 115-ta Qof ee laga soo daayay xabsiyada si loogu sameeyo baaritaan caafimaad iyo inay ka soo kabtaan dhibaatadii xabsiga mudada dheer ee ay ku jireen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com