Duqa degmada Gaalkacyo oo wajahaya mooshin kalsooni kala noqosho ah

Duqa degmada Gaalkacyo oo wajahaya mooshin kalsooni kala noqosho ah

Gaalkacyo: Duqa degmada Gaalkacyo, Maxamed Cabdirisaaq Daacad ayaa wajahaya mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ay gacanta ku hayaan inta badan xubnaha Golaha Deegaanka, kuwaasoo ku eedeeyay musuqmaasuq iyo inuu bulshada iska horkeenay.

Kalfadhiga Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo lagu wado inuu qabsoomo berri ayaa la filayaa in ay xildhibaannadu si rasmi ah ugu soo gudbiyaan mooshinka xil ka qaadista, inkastoo ay suuragal tahay in wasaaradda arrimaha guduhu si toos ah usoo farageliso.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ayaa lagu eedeeyay inuu u dhaqmayo sidii mas’uul loosoo magacaabay, halkii uu la shaqeyn lahaa bulshada deegaanka ee soo dooratay.

Dhankale waxaa lagu dhaliilay inuu dhawaan soo saaray amar lagu mamnuucayo qabashada shirar aan oggolaansho ka haysan maamulka degmada, arrintaasoo loo arkay mid ka hor imaanaysa rabitaanka shacabka degmada Gaalkacyo oo dowladda ka tabanaya wax qabad la’aan iyo hagardaamayta mashaariicda Gaalkacyo

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com