Falaanqayn Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa

Falaanqayn Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta gaaray dalka Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Mas’uuliyiin kale.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ahaa mid aad u hooseeyay tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la doortay horraantii bishii Febraayo, iyada oo xilligaas Itoobiya loo arkayay in aysan ku qanacsaneyn doorashadiisa, si gaar ahna u taageersaneyd Musharaxiin kale.

Hadaba maxay ka dhigantahay booqashada madaxweynahu booqanayo dalka Itoobiya? Maxay se ka badalaysaa xiriirka jilicsan ee u dhaxeeya labada dowladood? Su’aalahaas iyo kuwo kale waxaan hordhignay Barafasoor Cabdiwali Gayre oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Bossaso.

Cabdiwali Cabdiraxmaan Gayre ayaa ku taqasusay maadada dhaqaalaha iyo siyaasada,  kana qaatay shahaadada mastarka. Cabdiwali wuxuu  wax ku bartay dalka Maraykanka.

Wariye Xasan Haykal ayaa waraystay, ugu horrayna waydiiyay waxa ay ka dhigantahay booqashada madaxweynuhu booqanayo dalka Itoobiya?

Hoos ka dhegayso

FG: Madaxweyne Farmaajo ayaa mar dhawayd bartiisa Shimbirta ama Twitter soo dhigay in uu “soo gaabinayo booqashada Itoobiya si uu uga qaybgalo baroordiiqda iyo aaska Qaran ee Wasiir Cabbaas.”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com