Mugdi iyo muran badan ayaa hadheeyay markabkan iyo cidda uu hubka u siday. Ma aha markuu ugu horreeyay ee hub iyo saanad ciidan oo laga leeyahay Villa Somalia uu u gacangalo Maamul Goboleed. Warbaahinta Daljir (Daljir Media) waxay hadda kahor la wadaagtay Shacabka Soomaalida, Maraakiib Azarbijaan (arag xiriiriyaha qaybta falceliska bulshada) oo noocan oo kale ah oo Hub iyo Saanad Ciidan u waday Itoobiya laakin Aratariya la wareegtay.
Lama fogaysan karo inay Dowladda Itoobiya, Qabiil ama Koox Soomaali, ama Cid kale leedahay hubkan, maadaama Maamulka Xasan Sheekh uu ka arradan yahay Hab-Maasuuska & Dhaqanka Dowladnimo. Waxaa dhaqan u ah Maamulka Xasan Sheekh inuu si fudud khalad ugu dhaco (inuu Huteel ama Makhaayad ama xataa Taksi dhexdii heshiisyo ku sixiixo, kana qariyo Shacabka iyo Baarlamanka Soomaaliyeed).
Waxgaradka iyo Hoggaanka Dhaqanka ee Soomaalida ayaa u arka in Markabku gacan aamiin ah ku jiro, laakin uu Maamulka Xasan Sheekh khatar galiyay amniga iyo xataa jiritaanka soomaaliya. Wixii xog ah kala soco Warbaahinta Daljir
FG: Sawirka hoose waa gabadha Madaxweyne Xasan Shiikh oo faahfaahineysa safarkii Azerbaijan iyo hubka Soomaaliya u soo socda (13 Feb 2025) ayada oo qortay: “Bal nala arka waxaan oo hub ah oo cajiib ah oo farxad galin doona shacabka Soomaaliyeed.”
> Daljir Media


COMMENTS