Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta furay kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa Khudbaddiisa Dastuuriga ah uga hadlay shaqooyinka u qabsoomay Dowladda Puntland intii u dhexeysay labada kal-fadhi, hawlgalka Argagixisada looga ciribtirayo Puntland, iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka isagoo ku baaqay Shirweyne loo dhanyahay in la isugu yimaado si loo samatabixiyo dalka.
Madaxwehnaha ayaa shacabka Puntland uga tacsiyadeeyay geesiyaashii Ciidankeenna ee ku shahiiday intii uu socday hawlgalka Argagixisada looga ciribtirayo Calmiskaad, wuxuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay in wejigii 3-aad ee Hawlgalka uu dhammaaday laga billaabo beritona uu bilowmayo wejiga 4-aad ee hawlgalka oo ah sifeynta firxadka.
Hawlgalka Hillaac oo ka socda Calmiskaad madaama uu dhammad ku dhowyahay, wuxuu Madaxweynuhu bulshada la wadaagay in la isu diyaariyo Hawlgalka Onkod ee Argagixidada looga sifeynayo Calmadow, oo dhowaan ka bilowmaya
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Xubnaha Golaha Wakiillada Puntland, Gorsoorka Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Duqa Caasimada Garoowe, Isimada, Culimada , Ururada Bulshada, Haweenka iyo Marti sharaf kale.


COMMENTS