Beeraleyda deegaanka Gaalkacyo ayaa bilaabay in ay qudaarta beerahooda ka soo go’da u iibgeeyaan magaalada Muqdisho. Arrintaan ayaa timid kaddib markii hoos-u-dhac dhinaca qudaarta uu soo wajahay beeraleydii dalagyadooda u iibgayn jiratay Muqdisho, abaaraha iyo biyo la’aan labada wabi dartood.
Beeralayda Gaalkacyo ayey fursadani siisay in ay qudaar mugleh maalin kasta u duuliyaan magaalada Muqdisho.
Gabdhaha qudaarta dhoofiya ayaa Radio Daljir uga waramay fursadda ay heleen iyo faa’iidada ganacsiga qudaarta. Waxay kale oo sheegeen in ay hadda qudaar u iibgeeyaan deegaano kale oo dhaca bartamaha Soomaaliya.
Hoos ka dhegayso
COMMENTS
waa wax lagu farxo
lknse waxad moodaa inay
adag tahay in qofi aamino
tnx daljir HORMARIYAHA BULSHADA
waa sax radio daljir
muruqiina maalo dhulka mira ku beera masha’allh dalkeena somaalia waa wadan hodon ku ah wax soosaarka beeraha hadiin aan falano oo aamino dhulkeena waxa xaqiiq ah in aynu barwaaqo gaareyno
Runti waa wax fcn Somalia oo dhan ayaana barwaaqo ah hadii laysku dayo in meel kasta la beero