Gaalkacyo oo Qudaarta u Dhoofisa Xamar!

Gaalkacyo oo Qudaarta u Dhoofisa Xamar!

Beeraleyda deegaanka Gaalkacyo ayaa bilaabay in ay qudaarta beerahooda ka soo go’da u iibgeeyaan magaalada Muqdisho. Arrintaan ayaa timid kaddib markii hoos-u-dhac dhinaca qudaarta uu soo wajahay beeraleydii dalagyadooda u iibgayn jiratay Muqdisho, abaaraha iyo biyo la’aan labada wabi dartood.

Beeralayda Gaalkacyo ayey fursadani siisay in ay qudaar mugleh maalin kasta u duuliyaan magaalada Muqdisho.

Gabdhaha qudaarta dhoofiya ayaa Radio Daljir uga waramay fursadda ay heleen iyo faa’iidada ganacsiga qudaarta. Waxay kale oo sheegeen in ay hadda qudaar u iibgeeyaan deegaano kale oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Hoos ka dhegayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 4
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com