Gaalkacyo: Saldhigga Miir oo Mar Kale la soo Weeray, Heshiiskii Camay Kabacdi (dhegayso)

Gaalkacyo: Saldhigga Miir oo Mar Kale la soo Weeray, Heshiiskii Camay Kabacdi (dhegayso)

Qarax nooca bamka gacanta laga tuuro iyo is rasaaseyn socotay illaa iyo 2dii saqda dhexe ee xalay ayaa lala beegtay Saldhiga Booliska Miir ee Gaalkacyo. Sida uu noogu warramay Taliyaha saldhiggu waxa uu yiri “waxaa na soo weeray koox Galmudug ah khasaarana ma ogi illaa iyo hadda.”

Dhanka Galmudug wax war ah kama soo bixin oo la xiriirta sababta weerarka iyo khasaarahaba.

Isla xalay waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay Sarkaal Xasan Cali Geele oo kamid ahaa ciidamada nabadsugidda Gaalkacyo oo sida caadada noqotay aan cidna loo qaban, cidna lagu eedeyn.

Maalin kahor waxaa Gaalkacyo heshiis ku galay Madaxweyne Kuxigeen Camay iyo maamulka Galmudug halkaas oo lagu qarameeyey askar  isku dhafan oo Galmudug iyo Puntland, mushaarka ciidamadana sida uu Camay sheegay ay Puntland bixin doonto.

Taliyaha Saldhiga waxaa wareystay Jamaal Faarax Aadan.

Hoos ka dhegayso

MKX Camay: “Puntland baa Masuul ka ah Reer Galmudug si Lammid ah Reer Puntland”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
  • Farxaan Xassn Mataan

  • mohamed sulub 7 years ago

    Tolow mushkilada katagan gobalka mudug & beenta & khiyamada Besha Hawiye & dhonanta Dadka Darood side isula janqadayan? Go’aamada Qarsoon oo khiyamada huwan & dhonanta Dadka Daroodka ah oo si jogto ah dadkoda wax garadka ah lagu ugarsanayo si wadanka lo janguriyo kadibna laga dhaxal warejiyo si fudud,markasta waxa mesha lagu gara heshisyo nabd ku baqaya oo wax miro dhal ah lahan,sida laga warqabo heshiska dhalantedka ah oo hawiye lala galo wax kasoconaya majiran,somalidu waxay ku mahmahada fal laabta jirin faro wax uga daran,hawiye waxuu go’ansaday in uu darod kasifeyo gobalka mudug.

  • Ujeedooyinku wey badanyihiin reer punland walimiidnaangaran dilalka idinkusocda meelna waa alshabaab meelna waagalmudug dadkaan siday idiin ugaarsanayaan ama u ugaarsada ooxaafadooda gudaha ugala oo haldoorkooda soodila oo iskacesha ama ugaguura gaalkacyo ileen inaad barakacfaan bay rabaane jaalayaal waa la idiin tashaday cadow badana waad leedihiin

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com