Rabbi ha u naxariistee rag hubaysan ayaa Galkacyo ku dilay Shiikh Axmed Haamey makhribnimadii galabta, kuwaasi oo goobta ka baxsaday dil geysigooda kadib.
Marxuumka waxaa la toogtay isagoo ku sii jeeday masaajidka sida dad goob joogayaal ahi noo xaqiijiyyeen, isagoo daqiiqado ka hor xiray goob ganacsi oo uu suuqa ku dhex lahaa.
Laamaha amniga gobolka iyo kuwa degmada Galkacyo oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay weli in aan la qaban raggii weerarkaasi dil.geystay, balse ay wadaan hawlgal arrinkaasi ku aaddan.
Rabbi ha naxariistee Sh Axmed Haamey, wuxuu ka mid ah bahda culimo ee Gallacyo, waxaa kale oo uu ahaa nin u olaleeya nabadda iyo islaaxa ummadeed, wuxuuna ahaa dhinaca kale ganacsade.
Sannaddii 2023kii, shir nabadeed oo Galkacyo oo uu ka qaybgalay, ayuu uga hadlay aragtidiisa ku aaddan ibtilooyinka dil, kuwo aano qabiil iyo araxan-darrooyinka kale ee sida macno darrada ah loogu beegsanayo labeenta bulsho, isagoo muujiyey halkii uu ka taagnaa sida laga fahmi karo qoraal aan ka daabacnay sannadkaasi.


COMMENTS