Garoowe: Waxaa lasoo gaba gabeeyey shirka la tashiga bulshada ee wax ka bedelka Xeerka Waxbarashada Puntland, kaas oo ay ka qaybgaleen dhinacyada ay khusayso, si ay aragtiyahooda iyo talooyinkooda uga dhiibtaan dib u eegista xeerka.
Doodaha kulanka ayaa fursad u ahaa ka qaybgalayaasha inay soo bandhigaan talooyin iyo aragtiyo la xiriira horumarinta xeerka waxbarashada, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha bulshada iyo horumarinta nidaamka waxbarashada Puntland


COMMENTS