Bayaan NOTAM ay oo hadda ka soo baxay hay’dda duulista hawada Sucuudiga ayaa lagu sheegay in gegida diyaaradaha ee Riyaad ay xirnaan doonto illaa iyo 17ka Aktoobar, waxaa haddana soo baxay NOTAM kale oo lagu sheegayo in gegidu xirnaan doonto illaa iyo amar danbe.
Dawladda Yaman ee Ansar-Allah ee ka talisa caasimada Sanca iyo badi dalka ayaa waxa ay duqeyn daran la beegsaneysaa dhammaan eeraboorada Sucuudiga aan ka ahayn kuwa Makah iyo Madina. Duqeynta Yaman ayaa jawaab u ah duqeymaha daran ee Sucuudiga iyo xulufadiisa Mareykanka, Imaaraadka iyo Yhdu ay ku hayeen Yaman, Siiba Sanca, 12 sano oo isdabajoog ah, kaas oo sababay in dhammaan garoomada Yaman ay xirmaan, weerarada Sucuudigana ay ku dhintaan dad kor u dhaafaya 350 kun oo qof, qaarna ku dhinta duqeymaha iyo kuwa u dhinta gaajo iyo daawo la’aan xannibaadda Sucuudiga saaray darti.
> Daljir Media


COMMENTS