Golaha Ammaanka,”Alshabaab Waxay Kordhisey Weerarada Ay Ka Fuliso Muqdisho”

HomeWararka

Golaha Ammaanka,”Alshabaab Waxay Kordhisey Weerarada Ay Ka Fuliso Muqdisho”

Fadhi gaar ah oo ay yeesheen 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa diiradda lagu saaray ammaanka geeska Africa, gaar ahaan

QARDHO IYO QAABKII AY CODKOODA U DHIIBTEEN DADKA BAAHIYAHA GAARKA AH QABA (daawo)
XULASHADA DALJIR | CABDINASIR IBRAAHIM MAXAMED | GAALKACYO
Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo la kulmay Bulshada deegaanka Huurshe

Fadhi gaar ah oo ay yeesheen 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa diiradda lagu saaray ammaanka geeska Africa, gaar ahaan weerarada ay geystaan malayshiyaadka Alshabaab.

Mudadii uu kulanku socdey ayaa Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey waxa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in bilihii lasoo dhaafay ay kordheen Weerarada iyo Qaraxyadda Al-Shabaab ay ka geysanayaan Soomaaliya.

Dhanka kalena wakiil ka socday dowladda Ruushka oo ka qeyb galay Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya in ay muhiim tahay in laga qaado si loola dagaalamo Al-Shabaab.

Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa tilmaamay in ay soo dhaweynayaan dadaalada ay wadaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: