Golaha Wasiirada Puntland Oo Kulan Xasaasi ah Yeeshay.

HomeWararka

Golaha Wasiirada Puntland Oo Kulan Xasaasi ah Yeeshay.

Shirka Khamiislaha ah ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Puntland, ayaa maanta diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen; La dagaallan

Cabdi Xaashi “Ma jiro kulan wadajir ah oo xubnaha labada Aqal u ballansan yihiin oo uu soo codsaday Madaxweynaha”
Walaac laga qabo bixitaanka ciidamada Amisom ee G/Shabeelha dhexe 
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Shirka Khamiislaha ah ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Puntland, ayaa maanta diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen; La dagaallanka Bur-cad badeeda, Amniga, Abaaraha, Ilaalinta hantida dowladda, ansixinta Hishiis ay wada galeen shirkadda CCECC iyo xukuumadda Puntland.

Kulanka oo shir-guddoomiyay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ugu horay looga warbixiyay xaaladda amni ee Puntland, waxaana goluhu ka digay in xarakada Al Shabaab weeraro ka qorshaynayso gobollada Galgaduud iyo qaar kamid ah deegaanada Galmudug iyagoo doonaya inay falal amni darro ka gaystaan Puntland.

Hishiis ay wada-galeen shirkadda CCECC iyo xukuumadda ayaa shirkaas lagu ansixiyay, waxaana hishiisku dhigayaan in shirkaddaas oo laga leeyahay China ay dhisi doonto wadada isku xirta Garowe, Eyl iyo sidoo kale garoonka diyaaraha Galkacyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: