Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Afrika oo Muqdisho Gaarey

Waxaa goor dhow Magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi ballaaran oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka kubada Cagta qaarada Africa ee Caf Ahmad Ahmad ayaa maanta gaarey magaalada Muqdisho.

Mohamed Shurie Nur oo ka mid ah saxafiyiinta ciyaaraha ee ka hawlgala magaalada ayaa sheegay in qorshaha la maleynayo ee madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee CAF uu yahay inuu booqdo garoomada Benaadir Stadium iyo Jaamacadaha oo ah labada garoon ee ay ka dhacaan ciyaaraha ay maamulaan xiriirka kubadda cagta iyo sidoo kale garoonka ay fariisinka ka dhigteen ciidamada AMISOM ee Stadium Muqdisho.

Dhanka kalena gudoomiyaha ayaa waxa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre isagoo mid walba kula kulmi doona xafiiskiisa.

Sida wararka qaar sheegayaan Ahmad Ahmad oo ahaa madaxweynahii hore xiriirka kubadda cagta dalka Madagascar ayaa xiriir wacan la leh madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Somaliya Abdiqani Sacid Carab, waana arinta soo dadajisay inuu safarada ugu horeeyay ee waayahiisa madaxtinimo ku yimaado Somalia.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com