Saraakiil Sare oo kasocda iran ayaa asbuucaan booqday Marinka Baabul Mandab kadib markii ay si dhamaystiran ulawareegeen Marinkaas Ansaarullah Al-xuutiyiin.
Saraakiisha iran ayaa indha indheyn kusameynayay Marinkaan si halkaas loogu rakibo Nidaam Raadaar oo lagula soconayo dhamaan dhaq dhaqaaq kastaa oo badda ah.
Sida ay kuwarantay wakaalada AFP Nidaamkaan Raadaar ayaay iran iyo Ansaarullah kulasocon karaan dhamaan dhaq dhaqaaqyada Badda iyaga oo waliba Maamuli karo meelo fog fogna kala socon kara dhaq dhaqaaqyada Africa iyo Yurub ee ku aadan marinkaan baabul mandab.
Tani ayaa Iran ugu dhigan inaay gaadhay guul kale oo weyn taas oo meesha ka saartay doonista Mareykanka, YHD iyo Xulafadooda Sucuudiga iyo Imaaraadka ee ahayd inay saameyn kuyeeshaan Marinkaan.
Mohamed Koronto


COMMENTS