Waxaa meel wanaagsan maraya dhismaha wadada xiriirisa Ceeldaahir iyo Ceerigaabo, waxaana maanta ka hadlay halkay wax marayaan dhalinyarada illaa bishii Ramadan ku howlana garab-istaaga mashruuca.
Prof. Maxamed Cabdinuur Muuse waa xiriirayaha dhalinyarada Gobalka Sanaag wuxuuna kamid yahay dhalinyarada u istaagay in wadadu noqoto waddo laami ah. Dhalinyaradan ayaa olole ka bilaabay la shirida bulshada Puntland qaybaheeda kala duwan si ay uga qaybqaataan dhismaha waddada.
Maxamed Cabdinuur waxa uu u waramay Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe.
COMMENTS