Xuska munaasabadda maalinta ka soo kabashada ee labada bisha Baagume Ee T.I oo ay si wada jira usoo agaasimeen Xafiiska Madaxwaynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida iyo xafiisyada sektarka dhaqaalaha ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin sare oo heer Deegaan ah oo uu ugu horreeyo Wasiirka Xafiiska Madaxwaynaha DDS Dr. Xuseen Xaashi Qaasin, wasiirada xafiisyada kala ah Biyaha, Ganacsiga iyo Gaadiidka, Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Macdanta iyo Shidaalka, Duqa Maamulka Magaalada Jigjiga iyo martisharaf kale.
Wasiirka Xafiiska Madaxwaynaha DDS Dr. Xuseen Xaashi Qaasim (Ph.D) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in nabadgalyada iyo xasiloonida ka hanaqaaday deegaaanka loo baahan yahay in lasii adkeeyo iyada oo looga faa’iidaysanayo horumarka iyo u adeegida bulshada deegaanka.






COMMENTS