Jilaa Cabdille Cabdi Maxamuud ‘Oday Cabdille’: Taariikhda Jilaanimo iyo Tabihii Maadda iyo Matalaadda (dhegayso)

Jillaa Cabdille Cabdi Maxamuud wuxuu kamid yahay jilayaashii Soomaaliyeed ee muddada dheer ka dhexmuuqday kooxihii fanka Soomaaliyeed ee dhismay intii xorriyadda dawladnimo ay qaateen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Jilaa Cabdille oo ku magacdheeraa (Oday Cabdille) inkasta oo uusan ku jirin jilayaashii aad u magac dheeraa, misna waxaa lagu xasuustaa matalaaddiisii Rrwaayado badan iyo majaajillooyinkiisii qosolka badnaa ee uu waxna allifay, waxna ka qayb ahaa.

Cabdifataax Cumar Geeddi oo ka tirsan Radio Daljir ayaa sannadkii 2012kii kula kulmay magaalada Kambaala ee dalka Yugaandha, wuxuuna ka wareystay waayihisii fanka iyo heerkiisii majaajillo ee ahaa waxyaabihii uu ku caanka ahaa.

Cabdille Cabdi Maxamuud wuxuu wareysigaan oo dhinacyo badan taabanaya uu ku bilaabayaa sidii fanka ku soo galay.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com