Khudbad Cabdirisaaq Xaaji Xuseen: Qaabdarrida Qabiilka iyo Qabyaaladda

Khudbad uu jeediyey Cabdirisaaq Xaaji Xuseen kuna saabsanayd Qaabdarrida Qabiilka iyo Qabyaaladdu leedahay

Alle ha u naxariistee Cabdirsaaq Xaaji Xuseen waxaa uu ahaa nin taariikh iyo magac dheer ku leh Soomaaliya. Waxaa uu ka mid ahaa dadkii doorka muuqda ku lahaa halgankii dhallinyaro ee gobonimo doonka Soomaaliya, isaga oo ahaa xubin ka mid ah ururkii dhallinyarada ee (SYL) waxaa uu soo noqday wasiirkii ugu horreeyey ee arrimaha gudaha ee Soomaaliya, kadibna waxaa uu noqday Raysal Wasaarihii labaad ee Soomaaliya, sannadkii 1964-1967.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaa badanka Soomaalidu isku raacsan tahay in uu ahaa waddani ay ku dheertahay midnimada iyo Soomaalinimadu, sidoo kalena lagu yaqaannay caddaalad maamul iyo mid shaqsiyadeed, taas oo keentay in uu ka tago taariikh wanaagsan oo lagu xasuusto.

Khudbaddaan hoose ee aad maqli doontaan Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaa uu jeediyey 26kii bishii June ee sannadkii 2011, xilli uu ka qaybgalay xaflad lagu xusayey habeenka 26ka Juun oo ah markii ugu horraysay oo la taagay Calanka Soomaaliya oo xor ah, ayna xorriyadooda ka qateen gobolladii Waqooyiga Soomaaliya gumaystihii Ingiriiska, wuxuuna uga hadlayaa Qaabdarrida Qabiilka iyo Qabyaaladda iyo Halgankii dheeraa ee loo soo maray xoriyadda Soomaaliya iyo cilmi yaraanta iyo cood la’aanta xilligaasi jirtay.

Xafladdaasi waxaa duubay, soona diyaarshay xarunta warbaahinta ee ANNUR MEDIA CENTER.

Hoos ka dhegayso


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com