Puntland oo $3 Million Dheeraad ah Maalgalisay Gegida Garoowe iyo Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hadda shirkadda gacanta ku haysa dhismaha gegida diyaaradaha Garoowe ku wareejiyey maalgelintii ay dowladda Puntland ugu talagashay garoonkaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa shirkadda ku wareejiyey $2 million oo dollarka maraykanka oo loogu talagalay garoonka diyaaradaha Garoowe, isagoo sidoo kale gudiga dhismaha wada Ceeldaahir-Ceerigaabo ku wareejiyey $1 million dollar.

Maalingelintaan ayaa jeeggii ay ku qornayd ee bangiga waxaa lagu wareejiyey mas’uulka ugu sarreeya shirkadda garoonkaasi dhismihiisa gacanta ku haysa iyadoona ay sidoo kale goobjoog ahaayeen xubnihii gudiga gacanta kuhaya dhismaha garoonka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com