Maamulka Beledweyne oo Diidey in La Siidaayo Oday Dhaqameed u Xiran

Maamulka Beledweyne oo Diidey in La Siidaayo Oday Dhaqameed u Xiran

Maamulka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen inaan la sii deyn doonin Odayaal dhaqameed ku xiran Magaaladaasi, inta laga keenayo Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo Qof shacab ah dilay.

Maxamed Ibraahin Food Cadde , gudoomiyaha magaalada Beledweyne oo warbaahinta gudaha lahadlay ayaa sheegay inaan lasii dayn doonin oday dhaqameed ay isku qabiil yihiin nin dhowaan askari ku diley magaalada.

Dhanka kalena maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maalin ka hor waxa ay xabsiga dhigeen tiro Odayaal ah oo hal beel ka soo wada jeeda, islamarkaana loo haysto inay keenaan Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo la hayb ah Odayaasha kaasi oo dil ka gaystay Magaalada Baledweyne.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com