Maamulka Hirshabeelle, ‘Dekedda Ceelmacaan waa Furaynaa!”

Maamulka Hirshabeelle, ‘Dekedda Ceelmacaan waa Furaynaa!”

Maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu dib ugu furi doono dekedda Ceel-macaan.

Wasiirka warfaafinta Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Jowhar ayaa sheegay inuu maamulkooda hirgalinayo ilaha dhaqaale ee gobolka si loogu dardar geliyo adeegyada bulshada ee deegaanada maamulka Hirshabeelle.

“Maamulka Hirshabeelle waxaa uu dhowaan howl gelin doonaa Dekeda Ceel Macaan oo qorshahooda meel wanaagsan marayo iyo garoonka Cisaley,” sidaas waxaa yiri wasiir Mahad Xasan Cismaan.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray inaanay wax gorgortan ah ay ka geli doonin.

Maamulka Hirshabeelle iyo dowladda dhexe ee faderaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa muddooyinkan dambe ka dhexjiray khilaafaad siyaasadeed oo ka bilaabatay markii ay dowladda faderaalka mamnuucday diyaaradaha qaadka inay ka degaan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Radio Daljir

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com