Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Magacaabay Wasiiro Cusub (Digreeto)

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Magacaabay Wasiiro Cusub (Digreeto)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05 June 2016 Xafiiskiisa kasoo saaray digreeto xeer Madaxweyne Lr. 55 June 05, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dawladda Puntland.
Makuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo
Markuu la tashtay: Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:-

1. Waxaa Cabdiraxmaan Barkhad Warsame Wasiirka, loo magcaabay Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka
2. Waxaa Cabdikhadar Faarax Shaaciye loo magcaabay Wasiirka Dib Udhiska Iyo Horumarinta Puntland.

3. Waxaa Maxamuud Faarax Beeldaaje loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyadda.

4. Waxaa Yaasiin Cabdi Seed loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

5. Waxaa Cabdirashiid Cali Geele loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga.

6. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

7. Waxaa Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore) loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka.

8. Waxaa Aamina Maxamed Cabdulaahi loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

9. Waxaa Cabdiweli Maxamed Yuusuf loo magcaabay Wasiir ku xiogeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.

Xeerkani Wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso $1 Golis prepaid ah.

Qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga Golis, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]

FAALLOOYIN

Website 0