Madaxweynaha Maraykanka oo Ka Dhabeeyey Balanqaad uu Horay U Sameeyey

Madaxweynaha Maraykanka oo Ka Dhabeeyey Balanqaad uu Horay U Sameeyey

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa soo dhoweeyey in meesha laga saaro barnaamijka daryeelka caafimaad ee Obamacare oo si dirqi ah uu ku meelmariyay Aqalka Wakiilada.

Jamhuuriyiinta ayaa Senate-ka ku leh aqlabiyad aan sidaa u buurnayn, oo waxaa ka mid ah Senaterro doonaya in wax badan laga badelo sharcigan cusub ee la soo jeediyay.

Codadka lagu mariyay hindisahan ayaa ahaa afar cod oo keliya, ayadoo ay u codeeyeen 217 halka ay diideen 213, waana guushii ugu horaysay ee uu Trump ka gaaray mid ka mid ah ballaanqaadayadiisii ololaha doorashada.

Xubnaha xisbiga dimuqraadiga ayaa sheegay in hindisahan cusub ee loo bixiyay Xeerka Daryeelka Caafimaadka Maraykanka, uu caymiska ka qaadi doono malaayiin qof oo Maraykan ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com