MADAXWEYNAHA OO QAABILAY SAFIIRKA DENMARK EE SOOMAALIYA.

MADAXWEYNAHA OO QAABILAY SAFIIRKA DENMARK EE SOOMAALIYA.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Denmark ee Soomaaliya Danjire Steen Sonne Andersen iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, waxaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda, Xoojinta iskaashiga Dowladda Puntland iyo Dowladda Denmark ee dhinacyada Amniga iyo horumarka, gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada, Amniga badaha iyo mashaariicda horumarin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com