Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Mudug (dhegayso)

Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Mudug (dhegayso)

Madaxweynaha dowladda Puntland DR Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa markii ugu horeysey ka hadlay dagaal beeleed maalmihii ugu dambeeyey ka soo cusboonaaday gobolka Mudug.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Puntland ayaa xusay in xilligaan dadka reer guuraaga ah ay ka soo bexeen abaar iyo xaalad adag ayna muhiim tahay in laga shaqeeyo sidii ammaan naqa loogu daaqi lahaa.

DHEGAYSO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • Mohammed Ibrahim Ali 7 years ago

    Asalaamacalaykum bahda Radio daljir bacda salaan Haddii aan fikirkayga ama arigtidayda ka dhiibto arintaan waxaad moodaa in arintaan ay marar badan soo noqnoqotay wax hadda Ku cusub gobolka iyo soomaaliyada inteeda kale aysan ahayn runtii maamulo ayey leeyihiin labada dhinacba iyo odaayaal marka waxaan ka codsanaynaa maamulada iyo odayaasha inay arintaan ka wada hadlaan waliba sida ugu wanaagsan oo wax looga qaban karo arintaan

  • Abdikafi Ahmed Abdi 7 years ago

    Assalaamu Alaykum, Radio Daljir Somalia

    Waa Arin culayskeeda leh mar hadii abaartii la ogeeto laga soo baxay reer guuraaga waxaa laga rabay inay illaahay u Mahad celiyaan , maahan in ay dagaal iyo falal ilaahay xagiisa Caro Ku ah sameeyaan , Naf Qof Muslim ah oo la dilaana waxaa ay keensanaysaa Carro Alle iyo Naxariistiisa oo naga dheereeyo marka waxaa loo baahan yahay sida Madaxwayne Abdiweli Mohamed Ali ka dhawaajiyey in Nabadi Dan tahay , colaadi waxba soo kor dhinayn .

    Mahadsanidiin Radio Daljir

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com