Madaxweynaha Puntland oo Yalho lagu soo dhaweyeey

Madaxweynaha Puntland oo Yalho lagu soo dhaweyeey

Yalho : 04 September 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo safar ku maraya Gobolka Bari si ay ugu kuurgalaan xaaladda deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Bari, ayaa lagu soo dhoweeyay deegaanka Yalho ee Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa intuu ku sugnaa Yalho Kulan la qaatay Masuuliyiinta , Dhaqanka iyo Waxgaradka deegaanka oo uga warbixiyey xaaladda deegaanka iyo baahiyaha mudnaanta u leh, intaasi Kadib wuxxuu Madaxweynuhu dhagax dhigay Bar-caafimaad (MCH) oo ay baahiweyn u qabeen darks Deegaanku.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada iyo Saraakiil Madaxtooyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com