Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo ) ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Amiir Cabdiraxmaan Bin Cabdul Casiis oo ka mid ahaa Qoyska Boqorka Sacuudiga.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhammaan tacsi uu u diraayo qoyska reer boqor gaar ahaan boqolka Sacuudiga.
Dhambaalkaan tacsida ah ayaa lagu daabacay bogga Twitter-ka Madaxtooyadda Soomaaliya , waxaana uu u qornaa sidaan.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wakiil ka ah Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa wuxuu Alle ugu baryay inuu Janada Fardowso ka waraabiyo Amiirka Dhintay, sidoo kalana uu samir ka siiyo dowladda iyo shacabka uu ka baxay”ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada..
COMMENTS
waan utacsiyayanaynaa banana
qoyska iyo ehelada boqorka madaxwayneheenana ala ha xifdiyo
in loo tacsiyeeyo maba istaahilaan