Madaxweynaha Soomaaliya oo u Safraya Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya oo u Safraya Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Wafdi la socda ayaa Maanta oo Arbaco ah u dhoofaya wadanka Uganda oo ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Casuumaad ka helay Madaxweynaha Wadanka Uganda Yoweri Museveni,waxaana dalka Uganda Soomaaliya ka jooga Ciidamo ka badan 5 Kun oo ka mida Howlgalka Midawga Afrika ee AMISOM.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah Safarkii 12-aad ee Dalka uu uga baxo,inkastoo Markii uu tagay wadanka Sacuudiga uu Safaro ku kala bixiyay wadamada Jabuuti iyo Qadar.

Sidoo kale Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah kii Afraad oo uu ku tago Wadamada Dariska ah,waxaana uu horay u tagay Kenya,Itoobiya iyo Jabuuti oo dhamaan ay Ciidamo ka joogaan gudaha Wadanka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com