Madaxweynaha Soomaaliya oo Warqadda Aqoonsiga ka Gudoomey Danjire Qin Jian

Madaxweynaha Soomaaliya oo Warqadda Aqoonsiga ka Gudoomey Danjire Qin Jian

Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqaddaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiisan doonna Soomaaliya.

Mudane Qin Jian ayaa dhowaan dowladda Shiinaha u soo magacowday Danjiraheeda Soomaaliya isagoo bedelay danjirihii hore.

Madaxweyne Farmaajo iyo danjire Qin Jian ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee Somalia & Shiinaha iyo sidii loo xoojin lahaa.

Farmaajo iyo danjire Qin Jian ayaa gebagebadii kulankaas isku dhaafsaday hadiyado kala duwan oo ka turjumaya dhaqanka labada dal, waxaana qabiladaas ay ku soo dhamaatay jawi aad wacan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com