Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo markii u horeysey kulan yeelanayo tan iyo markii uu go’ay xiriirkooda siyaasadeed

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo markii u horeysey kulan yeelanayo  tan iyo markii uu go’ay xiriirkooda siyaasadeed

Garoowe: Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, ayaa markii u horeysey yeelanaya Kulan dadku ogyihiin tan iyo markii uu go’ay xiriirkooda siyaasadeed oo ay isku qoonsadeen Doorashadii dalka ka dhacday 2022.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaaan, ayaa berri kusoo wajahan magaalada Garoowe, Isagoo kulan ay la yeelan doona Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdilaahi Deni, Booqashada Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa bilow u ah soo celinta xiriirkii wada shaqayneed ee Puntland iyo Jubbaland iyo sidii labada dhinac u midayn lahaayeen dadaalkooda badbaadinta Dawladnimada Soomaaliya oo dadbadan u arkaan mid qar ka laalaada.

-Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com