Madaxweyne deni oo la shiray saraakisha Ciidanka PMPF

Madaxweyne deni oo la shiray saraakisha Ciidanka PMPF

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan ku saabsan Amniga Badaha Puntland iyo kor-u-qaadista Dakhliga la yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradaha Kalluumeysiga, Dekadaha iyo Maaliyadda oo ay weheliyaan Saraakiisha Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha illaalinta amniga badaha Puntland, sida la dagaalanka Burcadbadeeda iyo khataraha amni ee ka dhaca badda, Iyadoo sidoo kale kulanka looga hadlay horumarinta hanaanka cashuur qaadista si kor-loogu-qaado Dakhliga Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com