Madaxweyne Erdogan oo Sheegay In Turkigu Samaysanayo Markab Diyaaradaha Xambaara

Madaxweyne Erdogan oo Sheegay In Turkigu Samaysanayo Markab Diyaaradaha Xambaara

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay qorshe ay dowladiisa ku sameysaneyso markabkii ugu horeeyay ee diyaaradaha xambaara.

Isagoo ka hadlayay bandhigga Markab dagaal oo Turkigu sameysatay ayuu sheegay in Turkiga qorsheystay dhismaha Markab weyn oo diyaaradaha Xambaara, taasoo uu sheegay inaysan hadda ahayn riyo laakiin la dhameystiri doono sanadka 2023.

Turkiga ayaa horeba ugu guuleystay inuu dalkiisa ku sameysto hubka waaweyn, Taangiyada, Gawaarida Gaashaaman iyo hubka, culus, iyadoo sidoo kale soo saarta maraakiibta dagaalka ee yaryar.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Turkiga gebi ahaan ka madax bannaanaan doono hubka uu dibadda kasoo iibsado iyadoo mashruuca isku tashiga Turkiga uu xoogeystay, “Inaan sameysnayo Markab diyaaradaha xambaara ma ah riyo fog…” ayuu yiri Erdogan oo sheegay in Turkiga uu sameystay 14 markab oo dagaal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Scholer Mental 7 years ago

    NIN FAGAARE LOO DOONI JIRAY NEDAL MUXUU FEEDHAY
    Ugu horayn faaladan waxaynu ku falanqayndoonaa dhibta soomaaliya haysata iyo faa’iido layaasha bur buriyay dalka.
    Shacabka soomaaliyeed waxay marnaba ka daalin dowladooda yagoo la damacsan guul iyo hormar si ay ula tar tamaan dalalka horumaray balse midaasi waxay noqotay mid dhici wayday oo ninkii fariidka ahaa nacas baa feedhay .
    Hadii aynu usii gudubno macnaha ciwaanka waxay noqonaysaa in ninkii raga ahaa daanka laga feedhay nacaskiina fariidoobay maansadan aan tiriyay oo sheegaysa rajada shacabka soomaaliyeed ka qabaan isbedelka soo kor dhay ila wadaaga bahda warbaahinta #Radio_daljir.
    Dalkii diiftii tagtoo
    dunid baynu doonaynaa
    inaynu ku dayano oo
    nin daacada baa yaqaan
    miday dani inoo tahee
    yadoo doc waliba banaan
    diyaarado ina dulmara
    cashuur laga doonahayn
    ayaa rabi ina duldhigay
    qalabki lagu dayr lahaa
    dalkii dhisanyee
    dadyahow dulqaata
    dantaa midaasa.
    RADIO DALJIR FAALO WANAAGSAN DEE 1 GOLIS 7201971

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com