Madaxweyne Gaas oo Furay Kalfadhigii 39aad ee Barlamaanka Puntland (sawirro)

Madaxweyne Gaas oo Furay Kalfadhigii 39aad ee Barlamaanka Puntland (sawirro)

Kalfadhigii 39aad ee barlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo khamiis ah waxaa si rasmi ah u daahfuray madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Xarunta golaha shacabka aya waxaa ku sugan madaxweynaha dowladda Puntland, gudoonka barlamaanka, xildhibaano, wasiiro, madaxda hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah iyo qaybaha bulshada rayidka ah ee Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa furitaanka kalfadhiga ka jeedinaya khudbad taariikhi ah oo uu kaga hadli doono waxqabadkii xukuumadda, qorsheheeda xiga iyo arrimo la xiriira xaaladda guud ee Puntland haatan ku sugan tahay.

Xildhibaanada barlamaanka ayaa lafilayaa inay dhankooda madaxweynaha iyo golihiisa xukuumadda su’aalo ka waydiiyaan xaaladda guud ee Puntland iyo halka ay wajahayso.

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com