MADAXWEYNIHII MUSUQA: TAXANAHA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH

MADAXWEYNIHII MUSUQA: TAXANAHA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO MUSUQMAASUQIISII MEEL KASTA GAARAY – Q3aad Waa Qaybtii 3aad ee Madaxweynihii Musuqa. Qaybtii 2aad ee hore waxaad ku maqasheen faahfaahin kooban oo ku saabsan musuqa xad dhaafka ah ee Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo shaqaaleysiinta qaraabadiisa, siiba adeerkiis iyo dumaashidiis iyo qaraabo kale oo aan wax khibrad ah u lahayn shaqooyinka loo igmaday Qaybtan 3aad ee Madaxweynihii Musuqa waxaan faahfaahin dheeraad ah daaha kaga rogeynaa musuqa xargaha goostay ee Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Maareeyaha Guud ee Bangiga iyo war la’aanta ama ka raali ahaanshaha Villa Somalia. Kalkan Xildhibaan Cabdillaahi Xaashi Abiib waxa uu faahfaahinayaa sida bareerta ah ee maamulka Bankiga dhexe ee Soomaaliya ay ugu tagrifalaan xoolaha ummadda. Ku takrifalada Xildhibaan Abiib uu faahfaahiyey waxaa ugu horreeya Hanti-dhowrka oo shaqadii loo igmaday ka doortay laaluush qaadasho iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo si bareera ugu sheegay hantidhowrka in aan loo baahneyn in la baaro xisaabaadka Bangiga Dhexe. Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu diiday in uu soo hor fariisto Guddiga Maaliyadda ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya isagoo aaminsan in uu sharciga ka sarreeyo, baarlamaankuna uusan lahayn awood uu Bangiga Dhexe ku baaro. Eedaha musuqa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe waxaa kale oo kamid ah asaga oo shaqaalaha Bankiga Dhexe ku qasba in ay farsameeyaan xisaabaad sharcidarro ah, kii diidana waxaa loogu hanjabaa mushahar dhimis, darajo-ka-xayuubin, ama fasax sannadeedka shaqaalaha oo loo diido. Musuqmaasuqa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ma aha mid ku eg Soomaaliya ee hadda waa mid gaaray waddanka Kenya iyo Profesor Juguna Dungu, Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Kenya, haddana ah Xoghayaha Maaliyadda Qaranka iyo Qorsheynta Dhaqaalaha ee Kenya. Professor Juguna waxaa 5-tii illaa 8-dii September 2022, loo igmaday lataliye waqti kooban si uu uga qaybqaato tababar shaqaalaha Bangiga iyo ammuuro kale, laakiin profesorku marna ma uusan imaan Xamar oo hal shir oo uu ka qaybgalay waxa uu uga qabgalay aaladda Zuumka.

Diwaanka wararka | Daljir Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com