Maraykanka iyo AMISOM oo Sheegay in Awoodii Alshabaab Yaraatay

Maraykanka iyo AMISOM oo Sheegay in Awoodii Alshabaab Yaraatay

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalla Soomaaliya in ay jabiyeen Al-Shabaab,islamarkaana ay wiiqeen awood Ciidan ahaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Al-Shabaab hadda aysan la heyn awood Milatari oo ay ku dagaalamaan.

Docda kalena, taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM Cismaan Nuur Subagle oo ka qeyb galay Shir looga hadlaayay Xaaladda Ciidamada AMISOM iyo la dagaalanka Al-Shabaab ayaa sheegay in Al-Shabaab ay AMISOM ka guuleysatay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cismaan Nuur Subagle, ayaa intaas ku sii daray in Al-Shabaab awood kaliya oo ay haystaan ay tahay in ay ku dhex jiraan dadka Soomaaliyeed oo ay ka dhasheen, islamarkaana aan laga dhex aqoon.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com