Maraykanka oo Xaqiijiyey in Ina Caloolgeel lala Qabtay Soomaali ka soo Laabtay Maraykanka (CNN)

Maraykanka oo Xaqiijiyey in Ina Caloolgeel lala Qabtay Soomaali ka soo Laabtay Maraykanka (CNN)

Sidii aan hore u soo warinay, ayna noo xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi, sirdooonka Puntland iyo kan Galmudug oo kaashanaya ciidamada Maraykanka ayaa 23kii bishaan gacanta ku dhigay qayb kamid 5 nin oo ku jira liiska argagixisada la baadigoobayo, uuna ugu horreyo Cabdirisaaq Tahliil, ina Caloolgeel.

Sida ay saaka qortay jariirada Maraykanka ee CNN, ciidamada Maraykanka oo kaashanaya kuwa gobolka ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan rag uu ku jiro Ina Caloolgeel iyo nin Soomaali/Maraykan ah oo hadda ka soo laabtay Maraykanka, haystana deganaanshaha Maraykanka ee loo yaqaan “Green Card.” Ninka oo aan magaciisa la shaacin ayaa lagu wareejiyey ciidanka PSF ee Gaalkacyo, waxaana lagu tilmaamay in uu ahaa “hawl-fududeeyo la yaqaan oo u shaqeeya Alshabaab.”

Hawlagalkaan ayaa la sheegay in uu dabasocday hawgalo kale oo ciidamada Maraykan iyo kuwa gobolka oo iskaashanayaa ay horay uga fuliyeen isla xaafadda Wadajir ee Gaalkacyo.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Sirdoonka Puntland iyo Galmudug oo Mar Kale Gacanta ku Dhigay Ina Caloolgeel, Huggaanka Hawlgalada AlShabaab Mudug

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com