Maraykanku la Dagaalanka Argagixisada Geeska Afrika uma Baahna Garabka Itoobiya

Maraykanku la Dagaalanka Argagixisada Geeska Afrika uma Baahna Garabka Itoobiya

Joornaalka “THE HILL” ee ka soo baxa Washington DC ayaa 5 May qoray qoraal cinwaankiisu ahaa “Maraykanku la Dagaalanka Aragagixisada Geeska Africa uma Baahna Garabka Itoobiya.”

Sidii loo doortay Madaxweyne Trump, Xafiiska Difaaca ee USA loona yaqaan “The Pentagon” baa su’aalo badan oo dhab-ka-hadal ah maamulka cusubi u soo bandhigay, isla markaasna siiyey awoodo saa’id ah iyo oggolaansho saxiixyo badan looga maarmay oo lagula dagaalamayo al-Shabaab iyo al-Qaacida. Ogolaanshahaas baa hadana waxaa dabasocday su’aalo ku saabsan doorka dawladda Itoobiya.

Sidii Trump loo doortay baa waxaa yaraaday hadal-haynta Itoobiya, doorka Itoobiya ee arrimaha iyo siyaasadda Soomaaliya, iyo waliba rajadii ay Itoobiya ka qabtay in dib loo furo saldhigii USA ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee kal hore albaabada loo laalay. Intaas oo dhan marka la isku daro dadka siyaasadda indha-indheeya ayaa u arka in Itoobiya laga maarmay, oo hadana doorkeeda Soomaaliya iyo kan la dagaalanka al-Shabaab loo arkay mid aan cidna faa’iido u soo hoyin, aan ka ahayn xukuumadda Itoobiya.

Xukuumadda Itoobiya oo arrinkaan walaac wayn uu ku keenay ayaa ijaaratay shirkadda SGR ahna hay’ad ka saacidaysa Itoobiya dhanka arrimaha iyo xiriirka dawladda Maraykanka. Hay’addaan ayaa bishii kharashkeedu yahay $150,000, sannadkiina $1,800,000 (hal milyan iyo sideed boqol oo kun oo doolar). Caddadka lacagtaas ayaa walaac ku abuurtay hay’adaha daneeya Geeska Afrika, ayada oo dad Itoobiyaan ah oo lagu qiyaasay 20 milyan aan gaajo iyo macaluul la il-daranyihiin.

Dhanka la dagaalanka al-Shabaab, sannadkii 2009 waxaa ku baxay kharash dhan $300 milyan, meesha sannadkii la soo dhaafay ee 2016 kharashku kor u dhaaftay $900 milyan. Su’aalaha Maraykanku isweydiiyey baa waxaa ka mid ah “yaa ka faa’iidey dagaalka al-Shabaab oo horta dheef ku qaba in uusan dhammaan?” Waxaa kale oo su’aalaha ka mid ah “al-Shabaab dagaalkeedu waa dabadheeraaday, marka see ku dhici kartaa in aynaan weli ka guul-gaarin?”

Waa su’aalo muhiim ah oo aan ku dari karno “xaggee wax iska qabsan la’yihiin?”

………………………

Qoraalka lagu soo bandhigay THE HILL waxaa qoray Alemayehu Mariam oo ah barafasoor Jaamacadda California State University, San Bernardino.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 6
  • c/naasir 7 years ago

    wan jecelnahay in itoopiya nalaga saaaro maadama ma ogola horumarka dalkaa soomalia

  • mareykanku awalbuu laf cad toobin ku hayey lkn waxad moodaa in uu hada baraarugayo waayo dawlada itoobia oo qorshe ay dhaqaale ku hesho ku joogtay hawlgalka nabad sugida somaalia ayuu bilwalba ku siinjiray $150,000 dolarka mareykanka ah lkn hada sheekadaas waxbaa iska bedelay dhaqaalahaasna waxan aaminsanahay hadii lasiiyo ciidanka qaranka somaaliyeed in aysan ku qaadanayn hal sano

  • Waxad moodaa inuu mareykanku hada ogaanayo
    xaqiiqada jirta
    ciidanka somaliya ayaa xaq uleh in lagu maalgaliyo
    ladagaalaanka xagjirka

  • ugana maaarmo khrshki badna ee kaga bixiya jiry tageerda itoobiya iyo cidankeeda

  • runti sidi loo doorty madxweynhy marykn ee hada trum waxa mooda inuu hoos u dhcy xiriirki itoobiya iyo america xaqiqdi marykanku waa ka marmi kara garbka itoobiya taas bedelkedna isago isticmalya inuu xirir fcn la sameeyo dowlda cusub ee hada dhlty ee soomaliya si soomaliya uu uga sameysto saldhigyo uu isticmlo taaso labada dhinacba dani ugu jirto maryknka iyo soomaliya

    • axmed cabdisalad ali 7 years ago

      dagaalka daba dheeraaday ee soomaaliya hubaal waxa ka faaidaystay waa wadamada dariska Ku waas oo aan ujoogin, nabad kusoo badaalida soomaaliya lkn taas badal keeda ujooga danahooda gaar ka ah, iyo mushaarka ci

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com