Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan kulayeeshay maagalada Addis Ababa Wasiiru Dawlaha Wasaaraha Arrimaha Debeda dalka Ehiopia Mss.Hirut Zemene iyo Agaasimaha Guud ee arrimaha Africa iyo IGAd ahna gudoomiya gudiga dhamaystirka Costume-ka Duurbidi oo laga hirgelinayo xuduudka Puntland iyo Ethiopia Mr.Berhane Fisseha.

Kullanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha ee Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle, waxaana lagaga arrinsaday kulankaasi Costume-ka Duurdibi oo laga hirgelinaaya xuduudka u dhexeeya Puntland iyo Ethiopia, iskaashiga ganacsi iyo xidhiidhka labada dhinac

Madaxweynaha oo kahadlaya muhiimada uu u leeyahay Costume-ka Duurdibi ee laga hirgelinayo xuduudka Puntland iyo dalka Ethiopia ayaa sheegay in uu wax weyn ka taridoono iskaashiga ganacsiga iyo Amniga ee u dhexeeya labada dhinac, isla markaana waxaa uu sheegay inuu suura gelindoona la socoshada isu socodka Puntland iyo Ethiopia.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dawladda Puntland ay diyaar u tahay wanaajinta iyo dardargelinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dhinac, kaas oo salka kuhaya arrimaha amaanka iyo ganacsiga, waxaana uu sheegay in dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay diyaar u yihiin wanaajinta xidhiidhka dawladdaha deriska ah ee uu ka dhexeeyo deris wanaaga iyo xidhiidhka wanaagsani.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlaya iskaa shiga ganacsi ee ka dhexeeya dawladda Puntland iyo dalka Ethiopia ayaa tibaaxay in uu meel wanaagsan marayo, isla markaana uu yahay mid qayb muhiima ka qaatay aarimah aamaanka, deris wanaaga iyo xasiloonida had iyo jeer ka jirta xuduuda u dhexaysa Puntland iyo Ethiopia.

Wasiiru dawlaha wasaaraha arrimaha debeda dalka Ethoipia Mss.Hirut Zemene ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Puntland iyo dalkeeda, isla mar’ahaantaana waxa ay xaqiijisay in Costume-ka  laga hirgelinayo xuduuda Puntland iyo Ethiopia uu suura gelindoono sugida maanka iyo iskaashiga arrimaha ganacsiga ee labada dhinac.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Wershedaha ee dawladda Puntland uu isna dhankiisa Puntland gudoomiye uga yahay guddiga ka arrimindoonta hirgelinta  Costume-ka xuduuda Puntland iyo Ethiopia laga hirgelinaayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com