Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo Xukumo Ridey (SAWIRRO)

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo Xukumo Ridey (SAWIRRO)

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Somaliya ayaa saaka oo Khamiis ah waxa ay xukuno ku riday laba ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo lagu soo qabtay iyaga oo wada gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Somaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay cadeymo dhawr ah oo maxkamada la hor keenay kadib in maxkamada ay u cadaatay in eedeysanayaasha ay yihiin dambiilayaal galay dambigii lagu soo oogay.

Mudane Shuute, ayaa waxa uu sheegay xukunka labadan ruux inuu noqday min toban sano oo xabsi ciidan ah, qofkii aanan ku qanacsaneyna uu racfaan ka qaadan karo xukunkaasi.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com