Maxkamadda sare ee dawladda federaalka oo laashay muddo korarsigii hay’adaha federaalka iyo madaxda hoggaamisa.

Maxkamadda sare ee dawladda federaalka oo laashay muddo korarsigii hay’adaha federaalka iyo madaxda hoggaamisa.

Maxkamadda sare ee dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, qaybteeda dastuurka ayaa go’aamisay muddada xil-hayneed ee hay’adaha dastuuriga ah ee dawladda federaalka, siiba baarlamaanka iyo xukuumaddu in ay ahayd muddo 4 sano ah, taasoo ku ekayd 14-kii April lee 2026, sidaas darteedna cimrigoodii xil-hayntu uu dhammaaday, aysan xilligaan lahayn labadaasi hay’adood awood sharci oo waafaqaysa qaanuunka dalka.

Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aamisay, xukuumadda federaalka oo kaliya in ay tahay midda yeelanaysa matalaad xil-gaarsiin ah, aysanna lahayn awood ka baxsan shaqadooda maalinlaha ah maadaama aysan haysan awood sharci oo dastuuri ah, tallaabo qaadka xukuumadeedna uu yahay mid xaddidan, kuna eg hawlahooda xafiiseed.

Go’aanka maxkamadda sare ayaa sidoo kale laalay, xilka qaadistii guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf oo madaxdtooyadu shaacisay xalay in xilkii laga qaaday, waxaana maxkamaddu tilmaantay in aan loo cuskaan sifo sharci, ayna ahayd tallaabo ka baxsan qaanuunja dalka oo waxba kama jiraan ah.

Maxkamaddu waxay soojeedisay maadaama uu xilli hore dhammaaday muddo xileedkii sharci ee hay’adaha federaalka, in dhinacyada siyaasadeed ay heshiis doorasho ku gaaraan muddo 30 casho gudahood ah, isla markaan la weeleeyo doorasho wadar ogol ah oo ku qabsoonta muddo 90 maalmood gudahood.

Go’aankaan maxkamadda ayaa imaanaya iyadoo xilligaan dalku uu ku jiro marxalad mugdi badan leh, laguna kala tagganyahay fahamka siyaasadda, doorashada dalka, dastuurka, iyo sharci ahaanshaha hay’adaha dawladda iyo madaxda hoggaamisa maadaama muddo xileedkoodii sharci uu dhammaaday.

Daljir Media.difatah Omar Geeddi

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com