Wasiiradda Arrimaha Dibada ee Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Yurub ayaa lagu wadaa Saacadaha soo socda in ay Shirweyne Caalami ah ku yeeshaan caasimadda dalka Belgium ee Brussels.
Shirka ayaa waxaa looga hadlaaya Xaaladaha dalalka Soomaaliya Syria, Libya iyo Yemen, waxaana lafilayaa inay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah.
Hogaamiyayaasha midowga reer Yurub ayaa lagu wadaa in ay kulankooda ay ku faaqidaan Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale dagaalka lagu jiro ururka Al-Shabaab.
COMMENTS