Midowga Yurub oo ka walaacsan Xaaladda Abaarta iyo Macluusha ee Soomaaliya.

HomeWararka

Midowga Yurub oo ka walaacsan Xaaladda Abaarta iyo Macluusha ee Soomaaliya.

Ururka Midowga Yurub ayaa waxa ay sheegeen in Abaarta ka jirta Soomaaliya ka digayaan in ay ka dilaacaan Cudurro dhibaato badan u geeni kara Bulshada

Mahad Cabdalla Cawad oo mar kale ku guuleystay kurisiga Hop104 ee Aqalk Hoose
Hadaljeedinta Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee xisbiga Shaqaalaha Maxamed Cabdiwaaxid Cabdulaahi
Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)

Ururka Midowga Yurub ayaa waxa ay sheegeen in Abaarta ka jirta Soomaaliya ka digayaan in ay ka dilaacaan Cudurro dhibaato badan u geeni kara Bulshada Soomaaliyeed.

Hay’adaha gargaarka ee Midowga Yurub ayaa ka digay in dalka Soomaaliya oo ay haatan ka jiraan abaaro ba’an ay dadku sidoo kale wajahayaan xannuuno ay kamid yihiin daacuunka.

Madaxa gargaarka Midowga Yurub u qaabilsan  Soomaaliya Mr Johan Heffinck ayaa sheegay in sanadkaan oo keliya la diiwaan geliyay in ka badan 18 kun oo kiis oo cudurka daacuunka ah, Halka sannadkii aynu soo dhaafnay la diiwaan geliyay in kabadan seddex kun oo kiis.

Meelaha ugu daran waxaa ka mid ah degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Jubaland, qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadka uu ku dhacay xannuunada ka dhashay abaaraha tiradooda ay sare u sii keceyso.

Gobollada ugu daran waxaa ka mid ah Bay, Bakool iyo Gedo oo lagu warramayo in qiyaastii 600 oo qof oo qaba xannuunno kala duwan oo abaaraha ka dhashay la seexiyay xarumo caafimaad

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: