Moon Jae-in waa Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya

HomeWararka

Moon Jae-in waa Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya

Siyaasiga garabka bidix ee siyaasadda Koonfurta Kuuriya ayaa ku guulaystay doorashada madaxweynaha Koonfurta Kuuriya. Moon Jae-in, Xisbiga Dimuqura

Warka Fiidnimo iyo Axmed Nadiif, Daljir Garoowe (dhegayso)
Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Puntland oo booqday biyo Mareenka Ceeldaahir (Daawo)
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa la kulmay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya magaalada Muqdisho

Siyaasiga garabka bidix ee siyaasadda Koonfurta Kuuriya ayaa ku guulaystay doorashada madaxweynaha Koonfurta Kuuriya.

Moon Jae-in, Xisbiga Dimuquraadiga, waa 64 sano jir, waalidkiisna waxay ahaayeen qaxooti ka soo cararay Kuuriyada Waqooyi, asna noqday huggaamiye mudaharaadyada ardeyda Kuuriya, noqday kumaandoos ciidanka qalabka sida, hadana sii noqday lataliye Madaxweyne, ayaa hadda ballanqaaday in uu dib-u-eegis ku samaynayo xiriirka dalkiisu la leeyahay dawladda Maraykanka. Moon Jae-in wuxuu kale oo ballanqaaday in uu xiriir iyo wadahadal la furayo Kuuriyada Waqooyi.

Loolamayaasha tartanka ayaa mar dhawayd uu hambalyeeye madaxweynaha cusub, ayana qiray in laga guulaystay.

Radio Daljir kala soco natiijooyinka doorashada Kuuriyada Koonfureed oo la soo bandhigi doono subaxa Arbacada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: