Neymar Jr Oo Qarka U Saaran Inuu Ganaax Ku Seego Kulanka El-Clasico

Neymar Jr Oo Qarka U Saaran Inuu Ganaax Ku Seego Kulanka El-Clasico

Neymar Junior ayaa gudoomay jaalihii labaad ee ciyaarta taasoo isu rogeysa [kaar cas] kulankii ay kooxdiisa 2-0 guuldaro ah kala kulantay Malaga, kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Balaugrana waxey booqatay La Rosaleda iyadoo ka warqabta in Real Madrid ay ku hor kuftay Atletico Madrid markaas oo kulankii Madrid uu ku dhamaaday barbaro 1-1, balse kama aysan faa’ideysan.

Neymar waxaa laga saaray ciyaarta qeybteedii labaad markii uu qalad xun ku galay ciyaariyahan Diego Llorente oo ka tirsan Malaga

Wuxuu ahaa kaarkiisii ugu horeeyay ee casaan ah oo uu qaato kulan tartan ah isagoo xiran maaliyadda Barcelona kadib 181-kulan, wuxuuna casaankaas seejin doonaa kulanka Real Sociedad ee soo aadan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com