Portland, USA: 2 Nin oo la Dilay ayaga oo Difaacaya 2 Gabdhood oo Muslin ah

Portland, USA: 2 Nin oo la Dilay ayaga oo Difaacaya 2 Gabdhood oo Muslin ah

Portland, Oregon, USA – Nin magaciisa lagu sheegay Jeremy Christian, ahna 35 jir, oo hanjabaad, cay iyo turaanturro la beegsaday 2 gabdhood oo Muslimiin ah oo ay tareen wada saarnaayeen ayaa waxaa soo dhexgalay 2 nin oo kale oo gabdhaha ka difaacay gardaradda iyo hanjabaadda ninkaas. Nasiibdarro, labadiiba isla meesha ayuu ku tooreeyey, waxayna u dhinteen dhaawicii soo gaaray.

Gabdhaha wax dhaawac ahi kama soo gaarin falkaas foosha xun ee ka dhacay tareenka Portland, Oregon.

Duqa degmada Portland ee gobolka galbeed ee Oregon ayaa ku tilmaamay wax laga naxo in qof reer Oregon ahi uu fal noocaan oo kale ah gaysto, wuxuuna bogaadiyey labada nin ee difaacay labada gabdhood ee Muslimiinta ah, naftoodana u huray.

Labada nin ee falkaas Jimcaha ee maalinkii ugu horraysay ee Ramadaan lagu dilay mid waa Ricky Best, 53 jir, deganaa degmada Happy Valley ee isla gobolka Oregon. Kan kalena waa Myrddin Namkai Meche, 23 jir, asna ah reer Portland, Oregon.

Dambiilaha Jeremy Christian ayaa hadda lagu hayaa xabsiga Multtnomah County Jail.

Isla falkaas waxaa dhaawac fududi ka soo gaaray Micah Fletcher, 21 jir, isla reer Portland ah.

Radio Daljir

Diiwaanka Wararka

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com