Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Puntland waxay la wadaagaysaa bulshada reer Puntland in xalay, saqdii dhexe, abaare 3:11 AM, uu dhulgariir ka dhacay badda Gacanka Cadmeed ee Puntland, qiyaastii 186 km waqooyi kaga beegan xeebaha degmada Caluula, gobolka Raas Caseyr. Dhulgariirka ayaa cabbirkiisu ahaa 4.4 Magnitude (M4.4).
Dhulgariirkan wuxuu saamayn ku yeelan karaa deegaannada ku teedsan xeebaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya ee Puntland, gaar ahaan degmooyinka Caluula, Bareda, Qandala iyo Boosaaso.
Wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan maamullada gobollada iyo degmooyinka, iyo sidoo kale dadweynaha ku nool deegaannada xeebaha Puntland, inay si gaar ah uga feejignaadaan waxyeellooyinka ka dhalan kara dhulgariirkan.
Maadaama la saadaalinayo in dhaqdhaqaaqa dhulgariirku uu sii fidi karo, waxaa suuragal ah in heerka biyaha badda uu kor u kaco, taasoo keeni karta fatahaad.
> Daljir Media


COMMENTS