Puntland oo Xasan Sheekh kusheegtay inuu qori dab leh wata oo uu doonaya inuu colaad ka huriyo Gaalkacayo oo hada nabad ah.
Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Puntland Bile qaboowsade oo ka hadlay safarka Xasan Sheekh Maxamuud ee Gaalkacyo ayaa yidhi.
“Xasan Sheekh ujeedka safarkiisa wax kale ma ahan umana socdo wuxuu doonayaa Magalada Gaalkacyo oo dadka deggan ay nabad ku wada nool yihiin inuu colaad iyo dagaal dhex dhigo.
wax kasta oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee Puntland waxaa masuuliyadeeda qaadaya Xassan iyo kooxdiisa waqtigu ka dhammaaday ee colaada ka aloosaya magalooyinka nabada ah, Ciidamada dowladda Puntland waxay xaqiijinayaan xasilloonida iyo Amniga magalada.


COMMENTS