Qaraxii Degmada Wadajir iyo Kormeerka Cisbitaalada (dhegayso)

Qaraxii Degmada Wadajir iyo Kormeerka Cisbitaalada (dhegayso)

Wasiirka Caafimaadka, Foosiya Abiikar Nuur ayaa caawa booqatay isbitaalka Erdogan am Ex-Digfeer halkaas oo la dhigay dhawacyada 15 ruux oo waxyeelo ka soo gaartay qaraxii Wadajir ee maanta. Agaasimaha Guud ee isbitaalka Erdogan ayaa warbixin ka siisay Wasiirka Xaaladda Caafimaad ee bukaan-jiifka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaantay sida ay dawladdu masuuliyad gaar ah iskaga saaro doonto dadka dhaawacyada culus qaba.

Isbitaalka Madiina ayaa la gaarsiiyay ilaa iyo 14 qof oo dhawacyo kala duwan qaba sida ay sheegtay madaxa caafimaadka isbitaalka Madiina, Duniya Axmad Cali.

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso $1 Golis prepaid ah.

Qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga Golis, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]

FAALLOOYIN

Website 0