Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Addis ababa.

Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Addis ababa.

Sida ay kuwarantay wakalaada wararka ee Reuters oo xigatay ilo diblomaasiyiin ah Magaalada Addis Ababa ee caasimada itoobiya ayaa xalay laga maqlay dhawaqa qaraxya waa weeyn kuwaas oo loo maleeynayo inaay yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Mucaaradka kasoo horjeeda dowlada aby axmed kuweerareen Goobo caasimada dalkaasi kuyaala.

weerarada Drones ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay oo ay adeegsadaan Mucaaradka itoobiya.
Hay’adda Sirdoonka itoobiya ayaa asbuucaan Adis ababa iyo nawaaxigeeda ka mamnuucda in lagu isticmaalo Drones ka wax lagu duubo iyo nooc walba oo Drone ah sababo la xidhiidha amaanka.

Ciidamada isbahaysiga mucaaradka itoobiya hore looguma aqoon inay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.

Dowladda itoobiya ayaa diiday inaay ka hadasha weerarkaan.

wararka ayaa sheegaya in la bartilmaameedsaday Xarunta dhexe ee Ciidanka Militry ga Dalkaasi.

Mohamed Koronto | Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com